Ra’iisul Wasaare Xamse “ Booqashada Laascaanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka XFS iyo SSC Khaatumo”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in dhawaan socdaal qorsheysan ku tagi doono magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah Khaatumo.

“Booqashada aan ku tagi-doono Laas-caanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka dowladda Federaalka iyo maamulka SSC Khaatumo,maahan mid wax loogu dhibayo maamul iyo deegaanka Soomaaliyeed, bal waa mid la isugu soo dhaweeynayo” ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan u diyaarsanyihiin inay soo arkaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Laascaanood, isagoo ugu mahadceliyey reer Khaatumo niyad wanaagga ay u qabaan socdaalka wafdiga Xukuumadda ee deegaannada SSC Khaatumo.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ka socda diyaar garow wayn oo ku aadan soo dhaweynta Wafiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyadoo Magaalada iyo daafaheeda lagu arkayo boorar lagu xardhay sawirka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...