Hay’adda Al-Mahaasin Foundation oo hirgelisay Mashruuca qeybinta Zakada Fidriga ee 1446H 

Date:

Iyadoo la fulinayo ballanqaadkeenii joogtada ahaa ee ku aaddan taageeridda dadka u baahan iyo xoojinta ammaanka cuntada ee Soomaaliya, Hay’adda Al-Mahaasin Foundation, oo kaashanaysa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada, ayaa hirgelinaysa Mashruuca Qaybinta Zakada Fidriga ee sanadka 1446H – 2025. Mashruucan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada gargaarka ee joogtada ah, si kor loogu qaado nolol-wanaagga qoysaska danyarta ah iyo kuwa barakacay.

Mashruucan waxaa ka faa’iideysan doona 57,000 oo qoys oo danyar ah iyo kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir iyo degmooyinka qaar ee Shabeellaha Hoose. Ujeedada mashruucan waa in la yareeyo culeyska nololeed ee qoysaska, loogana dhigo maalmaha ciidda Fidriga kuwo farxad leh.

Mashruucan wuxuu sii xoojinayaa dadaallada Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada ee ku aaddan taageeridda shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la fulinayo mashaariic kala duwan oo daboolaya dhinacyada ammaanka cuntada, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul.

Hay’adda Al-Mahaasin Foundation, si kal iyo laab ah, uga mahadcelinayso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada taageeradooda deeqsinimada leh iyo iskaashigooda joogtada ah ee hirgelinta mashaariicda gargaarka. Waxaan mar kale xaqiijinaynaa go’aankeenna ah inaan sii wadno gargaarka dadka u baahan iyo xoojinta iskaashiyada wax-ku-oolka ah, si loo xaqiijiyo nolol sharaf leh oo dhammaan bulshada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...