Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda oo kullan la qaatay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Mudane Mustafa Duhulow oo la qaatay kulan la xiriira horumarinta Baarista Dambiyada Socdaalka, Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID), G/LE Sare, Muxudiin Axmed Cusmaan.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Baarista Dambiyada (CID) ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada hay’adood, wadaagista xogaha muhiimka ah si loogu hortaggo socdaalka sharci-darrada ah iyo dardar-gelinta la-dagaallanka Argagixisada Maadaama uu dalku ku jiro dagaal lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa uga mahadceliyay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa labada hay’adood. Waxa uu xusay Agaasimaha ahmiyadda gaarka ah ee ay leedahay baarista dambiyada la xiriira socdaalka iyo tahriibinta dadka, iyadoo la xoojinayo baarista dambiyada si hufan loo wajaho, dambiileyaashana sharciga loo horgeeyo. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadd tayeynta iyo horumarinta habka baarista iyo daba galka Dambiyada, maadaama ay door weyn ka qaadan doonto xasilloonida dalka iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...