Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo martigeliyay dood cilmiyeed ku saabsan kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Date:

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dood cilmiyeed cinwaankeedu yahay “muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya markale ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay” ku qabtay Caasimadda Muqdisho.

Dood cilmiyeedkan oo sidoo kale ahaa af-fur wadareed ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Danjire Yuusuf-Garaad Cumar Axmed, aqoonyahanno iyo wakiillada bulshada rayidka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa furay dood cilmiyeedka , isagoo ka hadlay kaalinta Soomaaliya ee matalidda codka Afrika ee Golaha Ammaanka iyo ka go’naanshaheeda nabadda iyo ammaanka caalamiga.

Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, Mudane Maxamed Maxamuud Guure, ayaa sheegay inuu horumarinayo howlaha iyo barnaamijyada machadka si uu uga dhabeeyo qorshayaasha deggan,

Ka qeybgalayaasha ayaa is-dhaafsaday aragtiyo ku qotoma xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka oo muddo xileedkeedu yahay labo sano, iyaga oo xusay muhiimadda ay arrinkaasi leedahay.

Intii madashu ka socotay doodda ayaa kaqeyb galayaashu ay ku tabaruceen 560 buug oo wax ka taraysa ballaarinta Maktabadda Machadka .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...