Nidaam casri ah oo isku xiraya shaqo bixiyaasha iyo shaqo doonayaasha oo la daahfuray

Date:

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa si rasmi ah u daahfuray Nidaamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka (Somali National Job Portal), kaas oo wax weyn ka tari doona fududeynta helitaanka fursadaha shaqo ee dalka.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qeyb-galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, wakiillo ka socda Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Nidaamkan cusub ayaa wax weyn ka beddeli doona habka shaqo-doonayaashu u helaan fursadaha shaqo, isaga oo xoojinaya xiriirka ka dhexeeya loo shaqeeyayaasha iyo shaqo-doonayaasha. Wuxuu yareyn doonaa caqabadaha hor taagan in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan shaqooyin ku habboon xirfadahooda iyo khibraddooda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka, ayaa xusay muhiimadda uu nidaamkan u leeyahay kobaca dhaqaalaha iyo horumarka waara ee dalka. “Tallaabadan waxay muujineysaa sida ay dowladda uga go’an tahay xallinta caqabadaha shaqo la’aanta, iyada oo la dhiirrigelinayo in fursadaha shaqo ee dalka si cadaalad ah loogu qeybiyo dhammaan muwaadiniinta,” ayuu yiri Wasiirka.

Nidaamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin: Fududeynta Shaqo-helidda, Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka, Kor u Qaadista Horumarka Dhaqaale iyo Hufnaan iyo Cadaalad.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa horey u qaaday dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo shaqo-abuurka, gaar ahaan dhalinyarada. Nidaamkan cusub ayaa qeyb ka ah qorshayaal ay wasaaraddu waddo si loo abuuro jawi shaqo oo casri ah, loona fududeeyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed helaan fursado ay noloshooda ku horumariyaan.

Dhammaan shaqo-doonayaasha iyo loo shaqeeyayaasha waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay si buuxda uga faa’iidaystaan nidaamkan cusub si loo hormariyo fursadaha shaqo ee gudaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...