Ciidanka Qaranka oo duqeyn ku dilay 41 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Date:

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo duqeyn ah ka fuliyey deegaanka Boos-Hareeri ee gobolka Shabeellada dhaxe iyo deegaanka Jambaluul gobolka Shabeellaha hoose ayaa dilay 41 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dhacay deegaanka Boos-Hareeri ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaariijta oo gaarayay 29 xubnood.

Sidoo kale duqeyn ay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka fulisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa lagu Khaarijiyay 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta. Howlgalladan oo maanta soo bilowday ilaa iyo haddana socda ayaa jab xoog leh lagu gaarsiiyay Argagixisada.

Hay’adda NISA, waxa ay dadka rayidka ah ku wargalineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaariijta ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi...