Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo gaaray Baydhabo

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Baydhabo. Wafdigan waxaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Booqashada wafdigan ayaa la filayaa in ay xooga saarto xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamulka Koofur Galbeed, iyada oo la isla gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo khuseeya horumarka iyo amniga gobolka. Wafdigaan ayaa sidoo kale la kulmi doona mas’uuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku sugan Baydhabo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...