𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐮 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒, 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐞 𝐈𝐥𝐲𝐚𝐚𝐬 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐮𝐛𝐚𝐤𝐚𝐫, 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐅𝐚𝐰𝐳𝐢.
Kulanka ayaa diiradda saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada sharci-dejinta iyo cadaaladda.
Labada wasiir ayaa adkeeyay muhiimadda xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyagoo ka wada hadlay hirgelinta heshiisyadii hore si loo xoojiyo wada shaqeynta dhinacyada.
Iskaashigan ayaa qeyb ka ah dedaallada lagu horumarinayo xiriirka labada dal, taas oo gacan ka geysan doonta xasilloonida iyo horumarka gobolka.