Wasaaradda Warfaafinta oo soo xirtay aqoon isweydaarsi ku saabsanaa fududeynta xaqa xog helista dadweynaha

Date:

Aqoon isweydaarsigan oo socday muddo laba maalmood ah, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS waxaa ka qeyb galaya 35-xubnood oo ka kala socda Hay’addaha Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka ah, inta uu socday waxaa ka qeyb galayaashu is dhaafsadeen xog iyo aqoon wadaag ku saabsan fududeynta ee Fududeynta xog helista Dadweynaha.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo xiray tababarka ayaa uga mahceliyay ka qeyb galayaasha sida ay isula falgaleen intii uu socday aqoon isweydaarsiga, isagoo oo sheegay in Wasaaraddu xoojin doonto kulamada iyo aqoon isweydaarsiyada ku aaddan iskaashida Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka si’ kor loogu qaado fududeynta xog helista iyo wacyigalinta dadweynaha.

Burhaan Diini Faarax Agaasimaah Idaacadda Kulmiye ahna madaxa Warbaahinta Daladda Warbaahinta SOMA iyo Eng. Nuur Sh Cali oo ku hadlay Afka xubnihii Warbaahinta ee ka qeyb galay Aqoon Isweydaarsiga ayaa uga mahadceliyeey Wasaaradda Warfaafinta qabashada aqoon isweydaarsigaa oo muhiim u ah fududeyn xog helista Warbaahinta iyo Bulshada.

Gabagabada Aqoon Isweydaarsiga oo uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS ) ka taageeray Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Ka qeyb galayaashii tababarka ka faa’iidaystay labadii maalmood ee uu socday.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dedaaladda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga dowladda, warbaahinta iyo Bulshada si kor loogu qaado wacyigalinta iyo dowlad wanaagga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...