La-taliyaha Amniga Qaranka: Dowladdu waxay dejisay qorsheyaal lagu wiiqayo khawaarijta

Date:

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa ka warbixiyay tallaabooyinkii guulaystay ee dowladdu ku wiiqday dhagartii Khawaarijta,la-taliyaha oo waraysi gaar ah siiyey Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Dowladda dejisay qorshayaal isugu jira kuwo muuqda iyo kuwa qarsoon oo looga hor tegayo laguna wiiqayo Khawaarijta.

Ugu horayn la-taliyaha ayaa xusay in Dowladdu hadafka koowaad ka dhigatay in furimaha dagaalka lagu jabiyo khawaarijta taas oo si weyn loogu guulaystay lagana saaray dhamaan meelihii khawaarijtu ku gaban jirtay kana soo abaabuli jireen dhagaraha ay ku waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale La-taliyaha ayaa xusay in si weyn loo wiiqay lana soo af jaray illihii dhaqaalaha ee khawaarijta,iyadoo loo sameeyey habraacyo sugan oo lagula dagaalamo loogana hor tegayo farsamo walba oo khawaarintu isku daydo in ay dhaqaale ku helaan.

Dhinaca kale Mudane Xuseen Macallin la-taliyaha Amniga Qaranka waxa uu sheegay in dowladdu gaarsiisay adeegyadii dowladda ee ay u baahnaayeen Shacabka ku nool goobihii laga xorreeyey khawaarijta,adeegyadaas oo ka mid yihiin caafimaadka,Waxbarashadda iyo in dib loo hawlgeliyo ceelashii biyaha oo ay hore u dumiyeen kooxaha Khawaarijtu.

Ugu dambayn wuxuu la taliyaha Amniga Qaranku caddeeyey in dhamaan la xiray barihii Warbaahinta ee khawaarijtu ku faafin jireen been abuurka iyo afkaarta gurracan ee ku dhagraan Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...