Wasiir dowlaha Cadaaladda Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Cadaaladda Masar 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh, ayaa maanta kulan la qaatey Wasiirka Cadaaladda ee Masar, Mudane Cadnaan Fanjari. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa xiriirka dhinaca caddaaladda, gaar ahaan tababarka garsoorayaasha, xoojinta nidaamka sharciga, iyo wadaagista waayo-aragnimada labada dal ee dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka.

Wasiirrada ayaa si gaar ah uga wada hadlay muhiimadda is-dhaafsiga khibradaha iyo tababarrada si loo horumariyo adeegyada garsoorka iyo tayaynta hay’adaha cadaaladda ee labada dal. Qorshahan iskaashiga ah ayaa laga sugayaa in uu fududeeyo wada shaqeyn ballaaran oo labada dal u horseedi doonta in ay xoojiyaan nidaamyada garsoor ee dalka Soomaaliya iyo Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...