Africom iyo Dowladda Soomaaliya oo sii wadi doonaann howlgalka lagu Ciribtirayo Khawaarijta

Date:

Taliska Africom ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada iskaashiga la leh dowladda Soomaaliya ee lagu ciribtirayo khawaarijta, kuwaas oo khatar weyn ku ah amniga gobolka iyo guud ahaan caalamka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Africom ayaa lagu faahfaahiyay howlgalkii ka dhacay 25-kii bishan deegaanka Alkowser ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare weyn oo loogu geystay khawaarijta. Howlgalkaan ayaa yimid xilli kooxaha khawaarijta ay isku dayeen inay weerar naflacarri ah fuliyaan, balse ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka hortagay.

Africom ayaa sheegtay in duqeymo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka khawaarijta ee falal aar-gusheeg ah ka waday Shabeellaha Dhexe, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah ama dhibaato soo gaartay shacabka deegaanka inta uu socday howlgalka.

Warsaxaafadeedka Africom ayaa lagu soo gabagabeeyay in howlgalada ka dhanka ah khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa inta laga ciribtirayo kooxahaasi, si loo xaqiijiyo xasiloonida gudaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...