Africom iyo Dowladda Soomaaliya oo sii wadi doonaann howlgalka lagu Ciribtirayo Khawaarijta

Date:

Taliska Africom ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada iskaashiga la leh dowladda Soomaaliya ee lagu ciribtirayo khawaarijta, kuwaas oo khatar weyn ku ah amniga gobolka iyo guud ahaan caalamka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Africom ayaa lagu faahfaahiyay howlgalkii ka dhacay 25-kii bishan deegaanka Alkowser ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare weyn oo loogu geystay khawaarijta. Howlgalkaan ayaa yimid xilli kooxaha khawaarijta ay isku dayeen inay weerar naflacarri ah fuliyaan, balse ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka hortagay.

Africom ayaa sheegtay in duqeymo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka khawaarijta ee falal aar-gusheeg ah ka waday Shabeellaha Dhexe, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah ama dhibaato soo gaartay shacabka deegaanka inta uu socday howlgalka.

Warsaxaafadeedka Africom ayaa lagu soo gabagabeeyay in howlgalada ka dhanka ah khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa inta laga ciribtirayo kooxahaasi, si loo xaqiijiyo xasiloonida gudaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...