Wasiirka Maaliyadda XFS oo Guddoomiyay shir ku saabsan saameynta Isbeddelka Cimilada

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka ugu horeeyay ee ay yeeshaan shabakadda Isbeddalka Cimilada iyo Colaadaha. Shirkan heer-Wasiir ah oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa ka soo qeybgalay dowlado dhowr ah oo ay saameeyeen isbeddelka cimilada iyo colaadaha ka dhacay meelo kala duwan.

Shirkan oo ka dhacay kadib shirkii weynaa ee Isbeddalka Cimilada COP29 oo lagu qabtay dalka Azarbaijaan, ayaa looga hadlay sidii dalalka nugul ee weli ka soo kabanaya saameynta colaadaha iyo isbeddelka cimilada ay u heli lahaayeen taageero gaar ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa khudbad uu jeediyay ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero dalalka sida Soomaaliya ee ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha, iyo saameynta guud ee isbeddelka cimilada adduunka. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal weyn galisay si ay u caawiso dadka ku dhibaataysan colaadaha iyo isbeddelka cimilada, isla markaana loo baahan yahay in madashani ay soo saarto xalal wax ku ool ah oo wadajir ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...