SoDMA iyo Wasaaradaha gargaarka oo ansixiyey qorshayaasha ka soo ka bashada dhibaatooyinka

Date:

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) oo kaashanaysa Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, iyo Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), ayaa ansixiyey qorshayaal wax-ku-ool ah oo ku aaddan mashruuca ka soo kabashada dhibaatada Soomaaliya (SCRP), oo uu taageero ka helayo Bangiga Adduunka.

Kulanka ansixinta ayaa isku keenay daneeyayaasha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin Dowladda Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo NGO-yada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah. Waxaana la meelmariyay shan dukumeenti muhiim ah, kuwaas oo lagu hagaajinayo nidaamka maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loogu diyaar garoobi lahaa ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee ka jirta Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Dukumeentiyada la ansixiyey waxaa ka mid ah:

➤ Qaab-dhismeedka nidaaminta

➤ Tilmaamaha Maareynta Masiibooyinka

➤ Hababka Hawleed ee Caadiga ah

➤ Qorsheyaasha Digniinta Hore

➤ Ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Qorshayaashan ayaa muhiim u ah xoojinta nidaamka ka jawaabista musiibooyinka ee dalka, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo xoojin lahaa jawaab celinta xaaladaha degdegga ah ee ka jira labadaas dowlad goboleed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...