๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐งn๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐Œ๐ข๐๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š, ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐ญay ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ

Date:

kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijka Caafimaadka Mideysan (One Health), waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socday wasaaradaha kala duwan ee hirgelinta hanaanka Caafimaadka Midaysan, oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka. Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay xubno ka socday heyโ€™adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah sida FAO, WHO, iyo wakiillo ka tirsan jaamacadaha dalka.

Kulankan, oo magac loogu bixiyay โ€œSeminaarka Aragtida Mustaqbalkaโ€ (Visioning Workshop), ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii loo hirgelin lahaa qorshaha One Health iyo yoolalka caafimaad ee dalka. Waxaa sidoo kale la sameeyay Hordhac Tijaabo ee Qorshaha Istaraatiijiga ah ee One Health, si loo xaqiijiyo in qorshuhu uu waafaqsanyahay baahida caafimaad ee dalka iyo deegaanka.

Falanqeyn dheeri ah ayaa lagu sameeyay fursadaha jira, caqabadaha taagan, iyo khataraha la xiriira hirgelinta qorshaha Caafimaadka Midaysan ee dalka ee muddada 2025-2029.

Kulankan ayaa ahaa mid hordhac u ah kulamo ballaaran oo lagu soo bandhigi doono qorshaha rasmiga ah ee dalka, kaas oo ku saleysan horumarinta Caafimaadka guud ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo Caafimaad oo dhamaystiran oo laga heli karo meelkasta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar daโ€™yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...