Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay saameynta ka dhallan karto jooginta deeqihii USAID 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, la qaatay kuxigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna iskuduwaha howlaha bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray saameynta ay leedahay joojinta deeqaha USAID ee la xiriira howlaha bani’aadannimada, abaaraha ka jira dalka, diyaargarowga socda, mudnaansiinta howlgallada bani’aadannimo ee qorsheysan, dib-u-eegisyada lagama maarmaanka ah, iyo talaabooyinka xiga ee loo baahan yahay in la qaado.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaallada ka socda deegaanada Puntland ee ka dhanka ah argagixisada Daacish, xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha gargaarka, iyo sidii loo heli lahaa qorshe lagu gaari karo dadka ku nool goobaha fog, si looga hortago barakac hor leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...