Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Geneva kula kulmay Agaasimaha ITC

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (International Trade Center), Marwo Pamela Coke-Hamilton.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kobcinta awoodda ganacsatada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Soomaaliya ayaa dhawaan qabatay fadhigeedii ugu horreeyay ee ku saabsan ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), taas oo muujineysa sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka ganacsi ee caalamiga ah, una ah tiir muhiim ah oo ka mid ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo...

Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojiyey Xiriirkooda Diblamaasiyadeed ka dib Wadahadallo ku dhexmaray Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...