Xoogga dalka oo howlgallo ka dhan khawaarijta ka wada Shabeellaha Dhexe

Date:

Ciidaanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus ka wado deegaanno dhaca Jiinka wabiga Shabeelle Gobalka Shabellada Dhexe.

Howlgalladan yaa khawaarijta looga sifeynayaa deegaannada dhaca Jiinka wabiga Shabeelle, iyadoo ciidanka XDS ay khawaarijta ka kasaareen deegaanno ay kamid yihiin Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, dhagaxoow, Yaaqle,Damileey iyo deegaanno kale oo dhaca Jiinka wabiga Shabelle ee gobalka Shabellada Dhexe.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka ay qeyb kayihiin ciidamadda ddeegaanka, iyagoona tilmaameen in Argagixisada jab culus lagu gaarsiiyay howlgalka, islamarkaana looga dilay Maleeshiyaad badan, sidoo kale gacanta lagu dhigay dhagarqabayaal kale.

Ciidanka ayaa wali baacsanayo firxadka maleeshiyaadka khawaarijta, ayagoo ugu galay godadkii ay gabaadka ka dhiganayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

War-saxaafadeedka. Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda...

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...