Soomaaliya iyo UNDP oo ka wadahadlay istiraatiijiyadaha qaran ee horumarka hey’adaha dowladda

Date:

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta oo talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Kaaliyaha Maarreeyaha UNDP, ahna Agaasime goboleedka UNDP ee wadamada Carabta, Dr. Abdallah Al Dardari, isaga oo kala hadlay sare-u-qaadidda ka wadashaqaynta barnaamijyada horumarinta iyo taabagelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray horumarinta hindiseyaasha horumarineed ee ay hormuudka ka tahay Soomaaliya, is-dhexgalka gobolka, tayeynta hay’adaha dowliga, dejinta qorshe lagu horumarinayo caasimadda Muqdisho si ay u yeelato waddooyin ballaaran oo hab casri ah u dhisan, istiraatiijiyadaha ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), xoojinta ka faaidaysiga dalka ee dhaqaalaha baluugga, si gaar ah kaluumaysiga.

Fadhigani, ayaa sidoo kale la iskula soo hadal-qaaday naqshadaynta kaalinta qurbajoogta ay ku leeyihiin kobaca iyo horumarka iyo taageeridda doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheeyay in ay qabsoomaan inta lagu guda-jiro sanadkan 2025.

Labada dhinac ayaa waxa ay muujiyeen muhiimadda ay leedahay ka gudbidda Soomaaliya gargaarka bini’aadantinimo, una gudubto heer horumar waara, si looga dhabeeyo ka guul-keenidda barwaaqo-sooran muddo fog jira.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ay ka mid yihiin, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir), Agaasimaha Waaxda Hab-maamuuska ee Wasaaradda, Mudane Xuseen Sheekh Cabdisalaan, Agaasimaha Waaxda Ururrada Caalamiga ee Wasaaradda, Mudane Xasan Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda, Mudane Cali Cabdi Cali Xooshow, iyo Agaasimaha Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda, Mudane Ibraahim Guure Maxamed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...