Soomaaliya iyo UNDP oo ka wadahadlay istiraatiijiyadaha qaran ee horumarka hey’adaha dowladda

Date:

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta oo talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Kaaliyaha Maarreeyaha UNDP, ahna Agaasime goboleedka UNDP ee wadamada Carabta, Dr. Abdallah Al Dardari, isaga oo kala hadlay sare-u-qaadidda ka wadashaqaynta barnaamijyada horumarinta iyo taabagelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray horumarinta hindiseyaasha horumarineed ee ay hormuudka ka tahay Soomaaliya, is-dhexgalka gobolka, tayeynta hay’adaha dowliga, dejinta qorshe lagu horumarinayo caasimadda Muqdisho si ay u yeelato waddooyin ballaaran oo hab casri ah u dhisan, istiraatiijiyadaha ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), xoojinta ka faaidaysiga dalka ee dhaqaalaha baluugga, si gaar ah kaluumaysiga.

Fadhigani, ayaa sidoo kale la iskula soo hadal-qaaday naqshadaynta kaalinta qurbajoogta ay ku leeyihiin kobaca iyo horumarka iyo taageeridda doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheeyay in ay qabsoomaan inta lagu guda-jiro sanadkan 2025.

Labada dhinac ayaa waxa ay muujiyeen muhiimadda ay leedahay ka gudbidda Soomaaliya gargaarka bini’aadantinimo, una gudubto heer horumar waara, si looga dhabeeyo ka guul-keenidda barwaaqo-sooran muddo fog jira.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ay ka mid yihiin, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir), Agaasimaha Waaxda Hab-maamuuska ee Wasaaradda, Mudane Xuseen Sheekh Cabdisalaan, Agaasimaha Waaxda Ururrada Caalamiga ee Wasaaradda, Mudane Xasan Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda, Mudane Cali Cabdi Cali Xooshow, iyo Agaasimaha Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda, Mudane Ibraahim Guure Maxamed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...