Hawlgal khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta oo xalay ka dhacay Ceelbuur

Date:

Howlgal khasaare lexaad leh lagu gaarsiiyey maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ayaa fiidnimadii xalay aheyd ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, iyadoo hawlgalkaas si gaar ah loola bartilmaameedsaday guri uu degmadaas ka deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Xisbada oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax.

Hawlgalkaan oo ay fuliyeen dadka deegaanka ayaa si gaar ah uga dhacay guriga horjoogahan oo ku dhegan saldhigga degmada Ceelbuur, waxaana maleeshiyaadka Khawaarijta lagu gaarsiiyey khasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana markaasi kadib ay Khawaarijtu qaadeen tallaabooyin ay ku khaarijiyeen maleeshiyaad kale oo ayaga ka tirsan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan iney falkan ku lug lahaayeen.

Maanta waxaa degmada Ceelbuur ka taagan xiisad u dhaxeysa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah oo iyagu degmadaasi ku wada sugan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in horjooge Yaxye Laba Madax uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...