Wakiilada Israel oo Masar kala hadlaya kordhinta xabbad-joojinta Gaza

Date:

Waklillo ka socda Israel ayaa u ambabaxay Magaalada Qaahira ee Daka Masar si loo kordhiyo heshiiska xabbad joojinta Gaza ee ay qeybta ka yihiin Xamaas.

Ergayga Trump, Steve Witkoff, ayaa sheegay in wadahadallada wejiga labaad ee xabbad joojinta Israa’iil iyo Xamaas ay sii socon doonaan toddobaadkaan, xilli wada-xaajoodayaasha Israa’iil ay ku wajahan yihiin Qaahira.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku wajahan Sacuudiga kaddib markii uu la kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,waxaana jira shaki ku aadan sii socoshada heshiiska xabbad-joojinta Gaza,kadib haladallo ka soo yeeray ninkaasi oo la xiriiray in la ciribtiro Xamaas.

Israa’iil ayaa weli xannibaad ku heysa Marinka Gaza,iyagoo diidan in halkaasi la geeyo tobanaan kun oo guryo guur-guura ah iyo teendhooyin ay adeegsadaan barakacayaasha Falastiin.

Sidoo kale, weerarada ciidamada Israel ayaa weli ka socda guud ahaan deegaanada dhaca Daanta Galbeed ee la haysto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...