Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb-galay kulanka Wasiirrada Warfaafinta Carabta ee Kuwait

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Kuwait ee dalka Boqortooyada Kuwait kaga qeybgaley munaasabadda daahfurka Caasimadda Warbaahinta iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Carabta oo sannadkan loo aqoonsaday magaalada Kuwait.

Kulanka daahfurka oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Warfaafinta iyo Dhaqanka ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wakiilka Boqorka, ahna Wasiirka Warfaafinta iyo Dhqanka ee Boqortooyada Kuwait, Mudane Cabdulraxmaan Al Mutairi.

Kulankaasi daahfurka ah waxaa looga hadlay sida ay madaxda Jaamacadda Carabta uga go’an tahay horumarintooda iyo iskaashiga,gaar ahaan ee dhinacyada warfaafinta ee dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamaca ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Carabta, isagoo u sharaxay siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...