Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay Shirka Carabta ee yareynta Khataraha Musiibooyinka

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku sugnaa dalka Kuwait ee martigeliyay meertadii 6-aad ee Shirka Madal-goboleedka Carabta ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka.

Kulanka uu la qaatay Madaxa Ciidanka Dabdamiska Guud ee Kuwait, Major General Talal Mohammed Al-Roumi, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada tababarka, qalabaynta, iyo horumarinta adeegyada dabdamiska iyo gurmadka degdegga ah, iyo isdhaafsiga aqoonta ku saabsan maareynta musiibooyinka.

Shirkan, oo ay martigelisay Dowladda Kuwait iyadoo kaashaneysa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Yareynta Khatarta Musiibooyinka (UNDRR) iyo Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa ka qayb galay in ka badan 600 oo ka socday dowladaha, ururrada bulshada rayidka ah, jaamacadaha, iyo hay’adaha caalamiga ah.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyay Dowladda Kuwait martigelinta shirkaan iyo taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Buulo-burde oo u gudubtay wareegga afar dhamaadka ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Buulo-Burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u...

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West...

Wasiirka Qoyska XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan la xiriiray Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the...