Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Garsoorka Masar

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacyada tababarada, isdhaafsiga khibradaha, iyo casriyeynta garsoorka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hey’adaha Garsoorka dalka.

Guddoomiye Baashe ayaa xusay in Soomaaliya iyo Masar ay leeyihiin xidhiidh qotodheer, isla markaana ay ka go’antahay sidii ay iskaga-kaashan lahaayeen horumarinta nidaamka garsoorka labada dhinac, iyagoo si joogto ah isku dhaafsandoona tababarada iyo khibradaha.

Saraakiisha Hay’adaha Garsoorka Masar ee kulanka ka qeybgalay ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta qiimaha badan ee loo sameeyay, waxayna muujiyay inay diyaar u yihiin inay si dhow uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo casriyeynta caddaaladda iyo garsoorka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...