Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay shir looga hadlayo xaaladda dalka Congo DRC

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay Shir madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaasi oo looga hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Shirkan oo ay Madaxdu ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika, sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Congo (DRC), isaga oo dhinacyada is haya ugu baaqay in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda sokeeye ayna dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo cawaaqib xumada ka dhalata, waxa uuna usoo jeediyay dhinacyada dagaallamaya inay ilaaliyaan goobaha rayidka iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xaquuqda Aadanaha.

Ugu dambayn, Madaxda dalalka Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee shirkan ka qayb galay ayaa isla qaatay in la qabto Shir degdeg ah oo ay madaxda EAC iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) ay kaga wada hadlayaan colaadda sokeeye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...