Guddoomiyaha SoDMA oo Kulamo la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Russia

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga dalka Russia, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ilaalada Madaniga, Xaaladaha Deg-degga ah, iyo Arrimaha la Tacaalidda Musiibooyinka ee dowladda Russia, Md. Kurynin Roman Viktorovich.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya iyo jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka. Waxaa sidoo kale la isla gartay in labada dhinac ay yeeshaan wadashaqayn dhow, si Hay’adda SoDMA looga caawiyo dhisidda kartida iyo aqoonta, iyadoo loo marayo tababarro iyo qalabeyn.

Wasiir Roman Viktorovich ayaa ballan-qaaday in dowladda Russia ay ka shaqeyn doonto in gargaar deg-deg ah loo soo diro Soomaaliya si loo xakameeyo saameynta abaaraha, waxaana Guddoomiyaha SoDMA uu ka mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Russia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaadatay hay’adaha gargaarka iyo Ururrada samafalka gudaha Dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka oo Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...