R/W ku-xigeenka Labaad oo guddoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta Arrimaha Bulshada

Date:

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa guddoomiyey shirka tiirka horumarinta arrimaha bulshada ee Xukuumadda oo looga hadlay dardargalinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan.

Shirka oo ay ka qeyb galeen wasaaradaha iyo hey’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku aaddan horumarinta karaanka aadanaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga bulshada iyadoo wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhallinyarada ay warbixino la wadaageen shirka.

Mudane Cabdisalaan, ayaa sheegay in tiirka arrimaha bulshadu yahay mid muhiim u ah horumarinta ummadda Soomaaliyeed, waxaanna uu faray wasaaraddaha ku shaqada leh in la dardargaliyo arrimaha la xiriirra adeegyadda dowladdu gaarsiinayso shacabkeenna si looga miradhaliyo qorshaha Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...