Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo Booqasho Sharafeed ugu tagay Dhiggiisa dalka Kuwait

Date:

Safiirka Safaradda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa, ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Dhiggiisa dalka Kuwait ee New Delhi, Mudane Meshal Mustafa Jasim Alshemali.

Labada masuul ayaa ugu horreyn iska wareystay xaaladaha guud ee dalalka Soomaaliya iyo Kuwait, intaasi ka dib ayaa waxaa lagawada hadlay xidhiidhka taariikhiga ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojinlaha wada shaqeynta dhaw ee dhexmarta Safaaraddaha New Delhi Soomaaliya iyo Kuwait.

Ugu dambeyn labada Safiir ayaa ku balamay in ay iska kaashadaan, horumarinta danaha lawadaago ee labada dal iyo labada shacbi ee walaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...