SoDMA iyo QM oo si wadajir ah u Daah-furay Qorshaha Gurmadka 2025

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane. George Conway ayaa wadajir u guddoomiyay shirka daah-furka qorshaha ka jawaabista baahida bani’aadinnimo ee Soomaaliya ee sanadka 2025.

Shirkaan oo diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ayaa lagu xusay in dad gaaraya 5.98 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah, taasoo lama huraan ka dhigeysa in la helo lacag dhan 1.42 bilyan oo dollar si loo gaaro dad ku dhow 4.57 milyan oo ruux oo abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen.

Shirka waxaa kasoo qayb galay madax ka socota hay’adaha caalamiga ah, qaar ka mid ah Wasiirrada dowlad goboleedyada iyo dallada Ururrada NGO-yada ee Soomaaliya, si loo helo jawaab-celin isku-dhafan iyo u gurmashada dadka nugul ee haweenka, carruurta, waayeelka, naafada iyo dadka la heeb sooco ugu horreeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...