Heshiiskii xabbad-joojinta Israel iyo Hamas oo dhaqangalay

Date:

Heshiis xabbad-joojin ah oo ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas ayaa dhaqan galay kaddib markii uu kuy yimid dib u dhac ​​saddex saacadood ah oo ay sababeen waxa lagu sheegay arrimo farsamo.

Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay heshay magacyada saddexda maxbuus ee la sii dayn doono maalinta ugu horreysa ee dhaqangelinta heshiiska.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in dagaalka la joojiyo iyo in la sii daayo saddex maxaabiis oo Israel ah iyo illaa 95 maxaabiis falastiiniyiin ah maalinta ugu horreysay heshiiska.

Dhaqangalka heshiiska ayaa yimid xilli Xamas ay fuliyeen dalab ka yinid Natanyahu oo la xiriiray in la soo bandhigo liiska magacyada ee maxaabiista la sii deynayo.

Inkasta oo uu dhaqangalay heshiiska xabbad-joojinta haddana saacadihii hore ee maanta ciidamada Israel ayaa weeraray Gaza,iyagoo halkaasi ku dilay 19 Falastiiniyiin ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...