Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxa hay’adda IOM 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka hay’adda International Organization for Migration IOM ee Soomaaliya Manuel Maques Pereira.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee arrimaha maareynta musiibooyinka iyo dhisidda awoodda hay’adaha ka shaqeeya howlaha bani’aadannimo ee heer federaal iyo heer dowlad goboleeed intaba.

Kulanka waxaa si gaar ah xooga loogu saaray sidii loo xoojin lahaa dadaallada ka jawaabista iyo howlaha gargaarka bani’aadamnimada ee Soomaaliya, halka dhinacyadu isku raaceen in sanadkan bilaawgiisa la dhammeestiro qorshe hawleed istaraatiiji ah oo ay labada hay’adood ku wada-howl-galaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...