1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley munaasabadda sannad-guurada 25-aad ee aas-aaska Jaamacadda SIMAD.
3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib kulan uu magaalada Djibouti kula soo yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tacsiyadeeyay geerida fannaanaddii qaranka, Luul Jeylaani Cali oo ku geeriyootay Mareykanka.
5-Raβiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Fannaanadii Qaranka, Luul Jeylaani Cali oo ku geeriyootay dalka Mareykanka.
6-Raβiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire.
7-Raβiisul Wasaare XamseΒ Cabdi Barre ayaa sheegay inΒ shuruuc laga sooΒ saari doonaa dadka baraha bulshada ka wada hurinta dagaallada qabaaβilkaΒ iyo kicinta bulshada.
8-Raβiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay meel marisay heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda heyβaddaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.
9-Raβiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay haweenka ku bahoobay Ololaha Hooyo u Hiili Qaranka oo looga hadlayey kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.
10-Soomaaliya oo si rasmi ah ugu fariisatey kursiga xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
11-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ku biiritaanka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka tarjumeyso kalsoonida caalamka ku qabo Soomaaliya.
12-Raβiisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tagay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Gaashaandhigga, Caafimaadka, Tamarka iyo Biyaha iyo Hayβadda Diiwaangelinta Dadweynaha (NIRA) halkaas oo uu warbixin kaga dhegeystay masβuuliyiinta hayβadahaasi.
13-Raβiisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galey munaasabadda daah-furka hayβadda Bulsho SACCO oo ka shaqeysa horumarinta ganacsiyada yar yar.
14-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Daaβuud Aweys Jaamac oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay fannaanadda Luul Jeylaani Cali.
15-Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo qeybaha kala duwan ee bulshada.
16-Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige iyo Wasiirka Batroolka iyo Daahir Shire Maxamed ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay dhameystirka shuruucda ka faaβideysiga kheyraadka dhulka hoostiisa, si looga faaβiideysto kheyraadka dalka.
17-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa digniin ka soo saartay adeegsiga muuqaalada iyo wararka lagu hurinayo colaadaha beelaha dalka ku dhaqan.
18-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh CumarΒ ayaa Muqdisho ka furay kulan wada-tashi ah oo dhexmaray Wasaaradaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
19-Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay dhacdadii deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsanΒ Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
20-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka Daahir Shire Maxamed ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
21-Wasiirka Arrimaha GudahaΒ Mudane Cali Yuusuf Cali Xooshi ayaaΒ booqasho shaqo ku tegay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.
22-Wasiirka Amniga GudahaΒ Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka.
23-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Gaadiidka Booliska ay ku hawlgalaan Hoggaanka Gaadiidka, Ciidanka Miino Baarka iyo Guutada Ilaalada Madaxda ee Booliska ka tirsan.
24-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ka furay shirkaΒ la-tashiga hayβadaha dowladda ee wax ka beddelka Cutubka 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ah.
25-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan looga hadlayay wada-shaqeynta arrimaha nabadgelyada la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.
26-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Fatxudiin Cali Maxamed ayaa magaalada Mersin ee dalka Turkiga kulamo kala duwan kula yeeshay masβuuliyiin ka tirsan maamulka magaaladaasi.
27-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed kasoo saartay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacayΒ qeybo ka mid ah dalka.
28-Guddoomiyaha Hayβadda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshayΒ culimada Soomaaliyeed si loogaΒ hortago khatarahaΒ colaadaha sokeeyaΒ Β ee ka socda qaar ka mid ah dalka.
29-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay ururada siyaasada dalka.
30-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis waqti kula qaatay Shacabka caasimada oo maalmaha fasaxa u damaashaad taga Xeebta.
31-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaaday Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.
32-Wasaaradda QorsheyntaΒ ayaa qabatey kulan wadatashi ah oo lagu diyaarinaayeyΒ Qorshe Hawleedka Sanadlaha ee 2025 ee Hayβadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
33-Ciidanka Amniga ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa toogtay ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada kooxda Daacish oo isku dayay inay weeraraan xerada ciidanka ee deegaanka Dharjaale ee gobalka Bari.
34-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay koox dilal geysatay iyo kuwa ka ganacsanayay maandooriye oo lagu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed.







