Taliyaha CXS oo Sheegay in la Dardargalin Doono Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, General Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada xoogga dalka ay dardargalin doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ku howlan falalka argagixisada.Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamada ay qorsheynayaan in la qaado tallaabooyin cusub oo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si buuxda u dardargalin doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo kooxaha argagixisada ee dalka ku jira.Waxaan ku wajahanahay sidii aan uga takhalusi lahayn kooxahan sharka leh ee dhaawacaya nabadda iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri General Odawaa Yuusuf Raage.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in la bilaabi doono howlgallo ballaaran oo lagu burburinayo xarumaha Khawaarijta iyo hoos u dhigista awoodooda. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka ay la shaqeyn doonaan shaqaalaha amniga ee dowladda iyo beesha caalamka si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay qeybaha kala duwan ee ciidanka in ay sii laba jibaaraan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah ee weli ku harsan deegaanada ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...