Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo daah furay hay’ad ka shaqayso hormarinta ganacsiyada yaryar

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa Magaalada Muqdisho uga qayb galay munaasabad loogu talagalay daah-furka hay’adda Bulsho (SACCO) oo ka shaqeysa horumarinta ganacsiyada yaryar.

Kulanka daahfurka munaasabaddaasi oo ay ka soo qeybgaleen qaar kamid ah dadka xirfad ahaan kku shaqeysta ganacsiyada yaryar,waxaa halkaasi la isku dhaafsaday kaalinta dhaqdhaqaaqyadaasi ganacsi ay ku leeyihiin horumarinya adeegyada ay u baahan yihiin bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu soo dhoweeyay dadaalka ku aaddan in dalka laga dhaqangaliyay ganacsiyo yaryar oo ka qeybqaadan kara dhiiragalinta dadka iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac waxa uu ugu dambeyntii u hambalyeeyay dadka xilka iska saaray sameynta ganacsiyo yaryar,isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in lagu dhaqaaqo hal abuurka ganacsiyada yaryar ee lagaga kaftomi karo waxyaabaha laga keeno dibadaha ee ay ku baxan lacaha badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...