Xubinnimadda Soomaaliya ee Golaha Amaanka QM oo si rasmi ah u bilaabatay 54 kadib 

Date:

Xubinnimadda Soomaaliya ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa si rasmi ah u bilaabatay maanta, kadib markii Soomaaliya ay si rasmi ah u noqotay xubinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay muddo 54 sano ah ka dib.

Soomaaliya ayaa noqotay xubin buuxda oo ka mid ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo muujinaysa horumarka ay Soomaaliya ka gaartay arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah. Xubinnimadan ayaa ah mid muhiim ah oo ka tarjumaysa kalsoonida ay beesha caalamku ku qabto Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay nabadda iyo ammaanka adduunka.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mas’uul ka ah ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamka, waxaana xubinnadiisa ka mid ah waddamo awood leh iyo kuwa kale oo muhiim u ah go’aan qaadashada arrimaha ammaanka iyo xasiloonida caalamka. Soomaaliya waxay ku biiraysaa Golaha Amaanka iyadoo wajahaysa caqabado iyo fursado cusub oo la xiriira arrimaha amniga gudaha iyo siyaasadda caalamiga ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”

Soomaaliya ayaa xubin ka noqotay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay,iyadoo ka faa’iidaysanaysa xiriirka dhow ee ay la leedahay dalalka xubnaha ka ah Golaha iyo taageerada ay ka heshay beesha caalamka. Xubinnimadda Soomaaliya ee Golaha Amaanka ayaa sidoo kale muhiim u ah dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan sidii loo xoojin lahaa amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Dawlada Soomaaliya ayaa ku faraxsan in ay gaadhay guulahan, waxayna ka go’an tahay in ay ka qeybqaadato go’aan qaadashada iyo dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan...

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon...