Wasiir Arrimaha Dibadda oo ka hadlay Kursiga Golaha Ammaanka ee QM oo ay Soomaaliya heshay

Date:

Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay maanta, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo sidoo kale calaamad u ahayd bilowga shaqada Soomaaliya ee golahaasi.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Waaxyaha, iyo howl wadeenadda Wasaaradda.

Wasiirka, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay, iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto.

Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay madaxda Qaranka ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...