Duqa Muqdisho oo kulan talawadaag ah la qaatay qaar kamid ah haweeynka Soomaaliyeed

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa caawa kulan talawadaag ah la qaatay qaar kamid ah haweeynka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda, si uu uga dhageesto talooyinkooda ku aadan horumarinta Magaalada.

Kulankan oo ka dhacay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa guddoomiye Amiir waxa uu mid mid u dhageystay haweenkii uu kulanka la qaatay iyaga oo ka hadlay dardargalina horumarinta Caasimadda gaar ahaan Sugida Amniga, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqa abuurka, Doorka haweenka ee qeybgalka hogaanka, Hirgalinta Doorashooyinka, la dagaalanka Maandooriyaha iyo ilaalinta bilicda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay tiir adag u yihiin dowladnimada, Nabada iyo horumarinta bulshada, isaga oo intaa kadib sheegay in talooyinka ay soo jeediyeen haweenka uu ku biirin doono qorshaha siyaasadiisa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...