Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Xamar 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir,ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar iyo sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen qorshaha bilicda Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar Janaraal Maxamed Carabow Cali ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ciidanka Ilaalinta Deegaanka, isbadalka dhinaca tayada ee lagu sameeyay iyo caqabadaha jira, asigoona xusay in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka loo igmaday.

Guddoomiye Amiir ayaa xusay ka go’naashiyahiisa ku aadan tayeynta iyo dhismaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar, asigoona faray saraakiisha ciidanka in ay dardargaliyaan ilaalinta Nadaafada iyo bilicda Caasimadda, kor u qaadista Dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...