Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qabatay kulan looga hadlaayo Baaqii Ankara 

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa qabatay kulan heer sare ah oo ay ka soo qeybgaleen aqoonyahanno Soomaali ah,kaas oo khuseeyay Baaqkhii Ankara ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya:

Kulankaan xasaasiga ah waxaa isugu yimid mas’uuliyiin iyo khubaro caan ah si ay u qiimeeyaan saameynta Baaqa Ankara ku leeyahay iskaashiga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda.

Soo bandhigidda fikradaha kulankaasi  oo uu daadihinayay Agaasimaha Xafiiska Qurbajoogta Ibraahim Guure Maxamed, ayaa lagu muujiyay sida hagar la’aanta ah ee ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta hadafka istiraatiijiyadeed ee siyaasadda dibadda.

Kulankaasi oo inta badan lagu fallanqeeyay Isbarbardhigga nuxurka uu xambaarsan yahay Baaqii Ankara waxaa Ka qaybgalay Danjire Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,Wasiir ku xigeenka Isaaq Maxamuud Mursal,Xoghayaha Joogtada ah Xamza Aadan Xaadoow iyo Ku-simaha Safiirka Suudaan danjire Ammar Ahmed Babiker

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...