Fardowsa Maxamed Qanyare oo u hambalyeeysay Cabdi Mudalib oo galay 2aad ee tartanka Feerka

Date:

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa ka qayb gashay daawashada tartanka feerka ee heerka dhexe,kaas oo uu wiil Soomaali ah ka galay kaalinta labaad tartan ka dhacay Magaalada Kampala ee dalkaasi.

Xiritaankii tartankaasi kadib,Safiirka ayaa Kulan dhiirigalin ah la qaadatay Cabdi Mudalib oo ku guuleystay kaalinta labaad ee feerka dhexe,waxayna intaa ku daray in guushaasi ay Soomaaliya uga dhigan tahay kaalinta koowaad.

Fardowsa Maxamed ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay dhallinyarada Somaaliyeed ee dadaalka ugu jira horumarkooda,iyadoo xustay in ay garabtaagan tahay cid kasta oo dooneysa in ay guul u soo hooyaan dalka.

Cabdul Mudalib waxa uu ka qeybgalay 12 tartan oo xagga feerka ah,wuxuuna kaligii dadaal ku bixiyay Sidii guul u qalanta Soomaaliya uu u keeni lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...