Fardowsa Maxamed Qanyare oo u hambalyeeysay Cabdi Mudalib oo galay 2aad ee tartanka Feerka

Date:

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa ka qayb gashay daawashada tartanka feerka ee heerka dhexe,kaas oo uu wiil Soomaali ah ka galay kaalinta labaad tartan ka dhacay Magaalada Kampala ee dalkaasi.

Xiritaankii tartankaasi kadib,Safiirka ayaa Kulan dhiirigalin ah la qaadatay Cabdi Mudalib oo ku guuleystay kaalinta labaad ee feerka dhexe,waxayna intaa ku daray in guushaasi ay Soomaaliya uga dhigan tahay kaalinta koowaad.

Fardowsa Maxamed ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay dhallinyarada Somaaliyeed ee dadaalka ugu jira horumarkooda,iyadoo xustay in ay garabtaagan tahay cid kasta oo dooneysa in ay guul u soo hooyaan dalka.

Cabdul Mudalib waxa uu ka qeybgalay 12 tartan oo xagga feerka ah,wuxuuna kaligii dadaal ku bixiyay Sidii guul u qalanta Soomaaliya uu u keeni lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...