Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolada oo la dilay

Date:

Howlgal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu qaarajiyay Horjooge Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdirahmaan) oo ahaa horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa Gobollada.

Horjooge Abuu Cabdirahmaan, ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya Khawaarijta 15-kii sano ee ugu dambeysay, asagoo horjooge ka soo noqday qaybaha boobka iyo baadda shacabka iyo qaybta maleeshiyaadka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo si qasab ah ugu biirtay Khawaarijta Al-Shabaab 2009-kii.

Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka,ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahaan iyo horjoogayaal kale oo dhiigyo cab ah, kuwaas oo dhammaantood la haayo macluumaadkooda oo dhamaystiran.

Tallaabadan waxay qeyb ka tahay qorshaha dowladda Soomaaliya ee Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada ay ku hareen, sidoo kalana looga dulqaadayo ciqaabta iyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...