Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolada oo la dilay

Date:

Howlgal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu qaarajiyay Horjooge Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdirahmaan) oo ahaa horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa Gobollada.

Horjooge Abuu Cabdirahmaan, ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya Khawaarijta 15-kii sano ee ugu dambeysay, asagoo horjooge ka soo noqday qaybaha boobka iyo baadda shacabka iyo qaybta maleeshiyaadka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo si qasab ah ugu biirtay Khawaarijta Al-Shabaab 2009-kii.

Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka,ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahaan iyo horjoogayaal kale oo dhiigyo cab ah, kuwaas oo dhammaantood la haayo macluumaadkooda oo dhamaystiran.

Tallaabadan waxay qeyb ka tahay qorshaha dowladda Soomaaliya ee Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada ay ku hareen, sidoo kalana looga dulqaadayo ciqaabta iyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...