Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda XFS oo Adis-ababa kula kulmay dhiggiisa Itoobiya

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Danjire Mesganu Arega.

Intii uu socday kulanka, labada Wasiir waxay markale xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan in la xoojiyo wadahadalka iyo xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo sidoo ballanqaaday ilaalinta madax bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda.

Wadahadalka ayaa la qabtay iyada oo lagu salaynayo Baaqa Ankara ee 11-kii Diseembar 2024, iyo qaab dhismeedka fulinta qodobadiisa.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Balcad ayaa muujiyay dareenka cabashada iyo cambaareynta ficillada Ciidanka Itoobiya ee ka dhacay Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arega Dhankiisa ayaa ka jawaabay isagoo muujiyay sida ay dowladda Itoobiya diyaar ugu tahay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas, wuxuuna xaqiijiyay rabitaankooda ah inay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya,si looga hortago dhacdooyin kale mustaqbalka.

Qodobada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, iyada oo lala dagaallamayo argagixisada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal si la isku waafajiyo dadaallada hirgelinta buuxda ee Baaqa Ankara, kaas oo ah tallaabo wanaagsan oo lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya labada dal tan iyo Janaayo 2024.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...