Xuutiyiinta oo gantaal la beegsaday Tel Aviv iyo xasuuqa Israel oo weli ka socda Gaza

Date:

Milatariga Israel ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray Yemen uu ku dhacay aagga Tel Aviv ka dib markii nidaamyada difaaca cirka ay awoodi waayeen inay ka hortagaan gantaalkaasi.

Weerarkaasi gantaal oo la sheegay in uu aargoosi u yahay duqeymo dhowaan lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yiillay Yemen ayaa lagu waramay in uu geystay dhaawac soo gaaray 16 ruux,isla,sida ay ku warameen saraakiisha Israel.

Dhanka kale dhakhaatiirta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in weerarrada cirka Israa’iil ee dhacay shalay oo Jimco ah lagu dilay yaraan 25 falastiiniyiin ,halka 24 kii sac ee u dambeeyay tirade dhimashada dadkaasi ka dhigeysa 77 qof sida ay xaqiijiyeen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Hey’adda UNICEF ayaa sheegtay in 96 boqolkiiba haweenka iyo carruurta ku nool deegaanada Gaza ay la ildaran yihiin xanuunno,dhaawacyo iyo qabow,isla markaana aysan awoodin in ay daboolaan baahiyahooda nololeed.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee dhulka la haysto ee Falastiin ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay go’aanka Sweden ee ah joojinta dhaqaalihii ay siin jirtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA .

Illaa 45,206 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay dagaalka Gaza,halka uu dhaawac ka soo gaaray 107,512 ruux tan iyo bishii Oktoobar sanadkii tagay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...