Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey dugsiga tababarka Ciidamada ee degmada Garbahaarey

Date:

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isbeddelka Cimilada, Mudane Axmed Maxamed Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Cismaan Libaax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Xildhibaan Cabdirashiid Olow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka, Xildhibaan Nuur Affey, ayaa maanta booqday dugsiga tababarka ciidamada ee degmada Garbahaarey.

Booqashadan ayaa ahayd mid loogu kuur galayey tababarka ay muddo saddex bilood ah qaadanayeen askar cusub oo lagu diyaarinayo dugsiga tababarka ee Garbahaarey. Wafdiga ayaa u kuurgalay habka tababarka, tayada waxbarashada ciidanka, iyo diyaar garowga loogu jiro sugidda amniga gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo khudbad ka jeediyay dugsiga tababarka, ayaa ku amaanay askarta dadaalkooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin in ay qayb ka noqdaan sugidda amniga iyo difaaca dalka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday in dowladda federaalka ay sii wadi doonto taageerada ciidamada si loo helo ciidan tayo leh oo u adeegaya shacabka.

Sidoo kale, xubnaha kale ee wafdiga ka tirsan ayaa dhiirrigelin u jeediyay askarta tababarka ku jirta, iyagoo ku bogaadiyay dulqaadkooda iyo go’aankooda ku aaddan difaaca dalkooda. Waxay sheegeen in tababarkan uu qayb weyn ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka si loo sugo amniga dalka oo dhan.

Booqashadan ayaa muujineysa sida dowladda federaalka uga go’an tahay tayeynta ciidamada iyo sare u qaadista awooddooda si ay uga hortagaan khataraha amni ee ka jira dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...