Wasiirka Arrimaha gudaha Federaalka oo kulan la qaatay Maamulka degmada Garbahaareey

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta la kulmay maamulka degmada Garbahaareey iyo hoggaannada qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaaladasi.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, kor u qaadista adeegyada bulshada, iyo horumarinta wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo bulshada deegaanka. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa dhageystay sidoo kale warbixinno ay soo bandhigeen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada kuwaas oo ka hadlay baahiyaha iyo caqabadaha haysta degmada.

Sidoo kale, Wasiirka, ayaa bulshada ku boorriyay inay door weyn ka qaataan sugidda nabadgelyada iyo taageeridda dadaallada dowladdu ku bixinayso amniga. Wuxuuna ballan qaaday in dowladda dhexe ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulka gobolka , kan degmada iyo in mudnaanta la siin doono baahiyaha muhiimka ah ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...