Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Wafdigii ka socday Tansaaniya ee soo gaaray Soomaaliya 

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moallim Fiqi , oo ay weheliyaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska, Daud Aweis , iyo Danjiraha Soomaaliya ee Tansaaniya, Danjire Amb Ilyas Ali Hassan , ayaa si qiiro leh u sagootiyey wafdigii sharafta lahaa ee Tansaaniya ee soo booqday Soomaaliya.

Wafdiga Tansaaniya oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya, Danjire Mahmoud Thabid Kombe waxaa ka mid ahaa Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Siciid S. Muuse.

Munaasabadda sagootinta waxa ay ahayd mid lagu muujiyey xiriirka saaxiibtinimo ee joogtada ah iyo ballanqaadka wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dal. Waxaan si weyn u rajaynaynaa in walaalaheenna Tansaaniya ay markale nagu soo booqdaan Soomaaliya oo ah dhul leh dhaqan soo jiidasho leh, bilic dabiici ah, iyo martisoorkeedii aan la barbar dhigi karin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...