๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐–๐š๐š๐ฌ๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ค๐จ๐ซ๐š๐ซ๐ฌ๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐จ๐ฐ๐ฅ๐จ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐ž๐ฒ ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐…๐ข๐ง๐ฅ๐š๐ง๐

Date:

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartun Sharif Mohamed iyo agaasime ku xigeenka Isbitalka Banaadir Dr. Amina Hassan Hussein oo howlo shaqo u joogay dalka Finland ayaa booqashooyin ku tagey xarumo Caafimaad oo ku yaala dalkaasi si khibradaha iyo aqoonta la isku dhaafsado taasoo ka qeyb qaadan karta in Isbitaalka Banaadir la sii horumariyo howlaha shaqo ee uu u hayo bulsho waynta Soomaaliyeed.

Agaasimayaasha ayaa inta ay ku sugnaayeen dalkaasi waxey kulamo la qaateen Heyโ€™adda IOM ,machadka Caafimaadka Qaranka, Maamulada Isbitalada iyo Jaamacadda ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, ayagoo sidoo kalena la kulmay bahda Caafimaadka ku sugan ee dalkaasi.

Ujeedada booqashada ayaa aheyd horumarinta adeega Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka loogana wada shaqeyn lahaa kor uqaadida xirfadlayaasha Caafimaadka sida tababarada shaqaalaha iyo helida qalab casri ah si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Dadaaladan ayaa waxa ay qeyb ka yihiin siyaasada ay Wasaaradda Caafimaadka ku yareynayso sababaha keena dhimashada Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed, dalka Finland ayaa ah dalalka sida weyn ugu hormarsan arrimaha Caafimaadka gaar ahaa Qeybta Hooyada iyo Dhallaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Hayโ€™adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hayโ€™adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin โ€œMaxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashadaโ€

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...