Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo daah furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Date:

-Wasiir ku xigeenka, ahna ku simaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ay marti-gelineyso.

Madashaan waxaa ku kulmay Masuuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.

Masuuliyiin sare, khubarro, aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada oo wasaaraddu ay ku casuumtay Madashaan ayaa falanqeyn, doodo iyo hadal-jeedinba ka yeela doona kaalinta wax ku oolka ah ee isku xirka iyo hagaajinta Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha, caqabadaha ku gadaaman iyo fursadaha jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...