Wasiirka Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo la qeybgalay shirka COP16 oo ka dhacay Rayaad

Date:

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa shirka COP16 ee Riyaad uga qeyb-galay dood ku saabsaneyd qiimeynta mawduucyada muhiimka u ah maalgalinta u adkeysiga abaaraha iyo soo-saarista biyaha Afrika.

Madashan oo xoogga saareysay Helidda Imkaaniyaadka lagu soo saaro Biyaha Hoose ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey hay’adda UNDP, Sanduuqa horumarinta ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Careebiya iyo Bankiga Horumarinta Islaamka (IDB).

Waxaa farxad ah in madasha uu uga dhawaaqay Maareeyaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dowladda Boqortooyada Sacuudi Careebiya, Mudane Mr. Sultan Al-Marshad, mashruuc lagu horumarinayo helidda biyaha hoose ee Soomaaliya.

Mashruucan waxa waxa uu bedeli doonaa isku halleynta iyo amniga biyaha hoose ee dalkeena, waxa uuna naga taageeri doonaa in aynu iska caabinno, una adkeysanno abaaraha, iyo sidoo kale in ay shacabkeennu helaan biyo nadiif ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Aljeeriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....