๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐š๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐๐จ๐จ๐ฅ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐ซ๐ฆ๐š๐ฅ๐ค๐š

Date:

Wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud HSJ Mudane Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka isla markaana ay wehlinayaan Safiirka iyo Safiir kuxigeenka JFS ee dalkaas ayaa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa Madaxwaynaha ugu sarreeya booliiska federaalka ee wadanka Jarmalka halkaas oo ay kaga wadahadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira wadashaqaynta labada dal ee dhinacyadda socdaalka gaar ahaan iskaaashiga ku dhisan khibrad wadaagga iyo dhismaha aqoonta saraakiisha ka shaqaysa Socdaalka.

Dowladda Jarmalka oo xiriir qoto dheer ah la leh dalkeenna ayaa horumar ka gaartay adeegsiga teknoolijiyadda casriga ah taas oo qayb wayn ka qaadatay horumarinta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, waxaana Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka faaโ€™iidaysanaysaa khibradda iyo waayo aragnimada dalkaas u leeyahay dhanka horumarinta adeegga Socdaalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka heyโ€™adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...